|
Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ka geystay magaalada Kismaayo
Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ka geystay magaalada Kismaayo
Illaa iyo 8 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyooday 21 kalena waa ay ku dhaawacantay duqeyn ay diyaaradaha kaligood is wada ee Maraykanku leeyahay ay ka geysteen bar kontorool oo Shabab ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo.
Tv,ga Press ee ku yaala wadanka Iran oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan Xarakadda Al-Shabab iyo dad dagan magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in diyaaradaha kaligood is wada ee Maraykanku leeyahay ay shalay galinkii dambe duqeeyeen gudaha magaaladaasi gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen dagaalyahan o Shabab ka tirsan.
Dad gaaraya 8 ruux oo ay ku jiraan dagaalyahano ayay wararku sheegayaan inay ku geeriyoodeen duqeyntaasi iyadadoona ay ku dhaawacmeen 21 kale oo dad rayid ah ku jiraan.
Sarkaal ka tirsan Al-Shabab oo magaciisa la yiraahdo Ibraahim Jurus loona yaqaan Ibraahim Abu-Yoonis kuna sugan magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Tv,ga Press in duqeyntaasi ay jirto isla markaana ay dhinacooda khasaaro kasoo gaartay.
"Waa ay jirtaa duqeyntaasi khasaarana wuu jiraa laakiin ma badna" ayuu yiri Ibraahim Abuu Yoonis oo la hadlay Tv,ga Press ee dalka Iran ku yaala.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka xukuumadda Washington hase ahaatee Maraykanka ayaa horey dhawr jeer sidaan oo kale duqeymo uga geystay magaalooyin ku yaala gudaha Soomaaliya gaar ahaana magaalooyinka ay ka jiraan maamulada hoos taga Xarakadda Al-Shabab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|