Somali News
    Hees  

Tahriiibayaal Soomaali ah oo xeebaha dalka Talyaaniga lagu la’ yahay

Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Tahriiibayaal Soomaali ah oo xeebaha dalka Talyaaniga lagu la’ yahay

Ciidamada illaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in xeebaha dalkaasi lagu la’yahay tahriibayaal African ah oo Soomaali ku jirto kuwaasoo doontii ay la socdeen ay ku dagtay xeebaha Jaziiradda Lampadusa.

Sida lagu baahiyay warbaahinta dawlada Talyaaniga inta la xaqiijiyay 1 ruux ayaa geeriyooday tiro kale oo 50 ruux ku dhaw ayaa la la’yahay.

Doontaan oo markeedii hore ka shiraacatay xeebaha dalka Libya waxaana doonta la socday 100 ayaa waxaa illaa iyo hadda la la’yahay 56 ruux oo ay ku jirto haweeney xaamilo ah oo Soomaali ah sida laga soo xigtay ciidamada badda Talyaaniga oo qaar ka mid ah dadkaasi bad baadiyay.

Saraakiil u hadlay ciidamada badda Talyaaniga oo la hadlay wakaaladda wararka ee ANSA ayaa sheegay in doonidu ay shalay ku dagtay meel qiyaastii 12 nautical mile u jirta xeebaha jaziiradda Lempadusa.

Qaar ka mid ah dadka la badbaadiyay ay wararku sheegayaan inay ka qeyb qaateen samata bixintooda ciidamo ka tirsan kuwa badda ee gaashaanbuurta NATO iyadoona wararka qaar sheegayaan in dadkaasila helay ayagoo bad weynta dabaalanaya.

Sidoo kale haweeney afhayeenad ah oo u hadashay hay’adda UNHCR oo Q,M u qaabilsan arrimaha qaxoootiga oo la yiraahdo Laura Boldrini,ayaa u sheegtay wakaaladda wararka AFP in qaar ka mid dadka la bad baadiyay ay u sheegeen in doonida ay la socdeen ay ciladawday kadibna ay dagtay.

War bixin Q,M ay soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay in sanadkii hore ee 2011 biyaha badda Mediterranean,ka lagu daadiyay 1,500 oo tahribayaal African ah Soomaalina ay ku jirto.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)