|
K/AFRIKA : Lix Soomaali ah Oo Lagu Dhaawacay Cape Town & Go'aamo Adag Laga Soo Saaray Kulan Ammaanka Soomaalida ah Looga Hadlayey.
Cape Town Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

K/AFRIKA : Lix Soomaali ah Oo Lagu Dhaawacay Cape Town & Go'aamo Adag Laga Soo Saaray Kulan Ammaanka Soomaalida ah Looga Hadlayey.
Inta la xaqiijiyey Lix ruux oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah iyo Nin Ethiopian ah ayaa lagu dhaawacay tuullada Mfuleni oo 40km u jirta Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ka dib markii ay kooxo burcad South African ahi ay ku weerareen dukaamadooda.
Sida ay goobjoogayaal Soomaali ahi ii sheegeen, waxaa xalay dhaawacaasi ka sokow deegaankaasi lagu boobay 11 Dukaan oo Toban ka mid ah ay Ganacsato Soomaali ah lahaayeen, halka kan kalane uu lahaa Nin Ethiopian ah, waxaana falkaasi weerarka ah fuliyey kooxo Bistoolado ku hubaysan oo si caadi ah goobta uga baxsaday ka hor inta aysan soo gaarin ciidamo gurmad ahaa.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii falal caynkan oo kale ah oo lagu dhaawacay Afar ruux oo Soomaali ah ay ka dhaceen isla deegaanka Mfuleni oo ka mid ahaan jiray tuulooyinka ugu nabdoon Cape Town.
Dhacdadani cusub ayaa kusoo beegmaysa, xilli kulan looga hadlayey adkeynta ammaanka Soomaalida ay Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida la qaateen Saraakiisha sar sare ee hay’adaha ammaanka gaar ahaan Booliska Cape Town.
Mr. C/weli Sheikh C/raxmaan oo ah Xoghayaha Guud ee (Somali Comunity Board of South Africa) oo hormuud u ahaa Soomaalida ka qeybgashay kulankaasi ayaa sheegay in waxyaabaha la isku afgartay kulankaasi ay ka mid ahaayeen : -
- In Waqti go'an loo yeelo xilliga la xirayo Dukaamada Soomaalida.
- In Muraayadaha aanu Xabadda karin lagu xiro afaafka hore ee Dukaanka.
- In Albaab labaad loo sameeyo Dukaamada si loo helo irid laga bixi karo haday musiibo timaado (Emergency Exit).
- In Laba qof ay kawada shaqeeyaan Dukaamada Laga bilaabo galabtii ilaa Habeenkii xilliga la xirayo.
Waxaa sidoo kale C/weli uu sheegay in kulankaasi lagu magacaabay Guddi isku dhaf ah oo Soomaali ah kuwaasi oo xiriir-wadashaqeeneed la yeelanaya Ciidamada Booliska Koonfur Afrika, si looga hortago dhagar-qabayaasha sida joogtada u caadaystay dhibaateynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale eedeyn kulul loosoo jeediyey Ciidamada Booliska ee aalaaba marka ay usoo gurmadaan Soomaalida hadba wixii ay awoodaan ka qaata dukaamada si ogolaansho la'aan ah.
ilaa 13-Ruux oo Soomaali ah ayaa Saddexdii Bilood ee lasoo dhaafay oo qura lagu dilay deegaanada Philipy, Mfuleni, Khaylitsha, Yanga, Stelenboch iyo tuulooyin kale oo dhammaantood hoos yimaada Magaalo-xeebeedka Cape Town oo Soomaalida ugu badan ee dalka Koonfur Afrika ay ku nooshahay.
C/risaaq Indha Jaceyl
Cape Town, South Africa
Email : Daauus1@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|