|
Dowladda Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Garowe Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

WAR SAXAAFADEED
8 September 2012
Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysa dhaqanada ku salaysayn khalkhalgelinta,
musuqmaasuqa iyo handadaada maalmahaan ugu dambeeya ka socda habka doorashada
Madaxweynaha Soomaaliya.
Dowladda Puntland waxay door weyn ka ciyaartay hirgalinta Barnaamijka Roadmap-ke ee
Dhamaystirka Xilliga KMG ah, iyadoo Puntland ku qabatay magaalada Garowe Shirarkii Qaran ee
Dastuurka iyo iyadoo door muhiim ah ka qaadatay Shirarkii Saxiixayaasha ee lagu qabtay
magaaloyinka Galkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi.
Tixraac war-saxaafadeedyadii Dowladda Puntland ee:
• 10 June 2012, Puntland waxay ka digtay qaswadayaasha ka soo horjeeda tubta nabadda ee dalka
Sooomaaliya;
• 4 July 2012, Puntland waxay taageertay dhisitaanka iyo dhamaystirka Maamullada Federaalka,
sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya;
• 26 August 2012, Puntland waxay ka digtay faragelinta joogtada ah ee qaabka xulitaanka
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka; sidoo kale, Puntland waxay magacawday Guddiga
Arrimaha Federaalka oo dabagala arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Federaalka;
• 28 August 2012, Puntland waxay soo dhaweysay doorashadii Gudoomiyaha cusub ee
Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Cismaan Jawaari waxayna ku boorisay
Gudoomiyaha cusub inuu sii ambaqaado ajendaha Baarlamaanka, oo ku salaysan Dastuurka
Federaalka Soomaaliya.
Iyadoo ay u muuqatay dib usoo noolaanshaha xulafaysiga siyaasiyiintii fashilmay, Puntland waxay ku
boorinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka inay dalka ku jiheeyaan waddo cusub oona
doortaan siyaasi aaminaad leh, hufan, una qalma jagada Madaxweynenimada iyo Rai’sul
Wasaarenimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysaa doorashada siyaasiyiin hore loo tijaabiyey kuna
fashilmay xilkii Qaran oo loo igmaday, iyagoo ka doorbiday danahooda gaar-ahaaneed iyo iskudirka
iyo soo nooleynta colaad bulshada dhexdeeda ah, taasoo soo celineysa burburkii Soomaaliya.
Hadii shaqsiyaadka tilmaamtaas leh ay xukunka Dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn, Dowladda
Puntland waxay xaq u leedahay inay ka tashato aayaheeda iyadoo raacaysa Dastuurka Puntland.
Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 90 -- 794312 / 794040 / 790999 / 794597 / 799128
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|