|
Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowlada KMG oo Xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay magaalada Nairobi..
Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowlada KMG oo Xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay magaalada Nairobi..
Waxaa Xalay Xaflad si wayn loo soo Agaasimay lagu qabtay Hotel Madiina Moll ee magaalada Nairobi, waxaana lagu soo dhawaynayay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Xasan Ciyow oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi.
Xafladan oo si wayn loo soo Agaasimay ayaa Waxaa ka soo Qeybgalay Boqolaal qofood, kuwaas oo iskugu jira Odayaal, Aqoonyahano, Haween, dhalinyaro iyo Madax ka soo jeeda dhamaan Deegaanada Gobolka Galgaduud.
Waxaa Halkaas ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan kuwaas oo soo dhawayn iyo Mahad naq u jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Yusuf Xasan Ciyow, kuwaas oo ku Tilmaamay shaqsi aqoon leh waaya arag ah dhalinyaro ah, wax badana ku soo kordhin karto xaalada Gobolka.
Maxamned JimcaaleSuldaan oo ka mid ahaa Salaadiintii halkaas ka hadashay ayaa sheegay In Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud uu yahay shaqsi aqoon leh kartina ay ka muuqato, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay In uu Hogaamin karo dadka dagan Gobolka Galgaduud, uuna Gobolka dhisi karo 20- sano kadib hadii wax lala qabto.
C/llaahi Maxamuud Damey oo ka mid ahaa Nabadoonada ka soo jeeda Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Xasan Ciyow uu yahay nin aqoon leh.
“ waxaan leeyahay dadka Dagan Gobolka Galgaduud ee Caawa halkaan iskugu yimid, yaysan arintaan Noqon mid caawa kaliya ku eg, ee Gobolka Galgaduud waxaa loo Doortay Gudoomiye loo dhan yahay, waxaan filaa caawa dadka dagan Gobolka Galgaduud caawa in ay meesha ku dhanyihiin”ayuu yiri C/llaahi Maxamuud Damey.
Waxaa halkaas ka hadashay Xaliimo Maxamed afrax oo ku hadashay magaca Haweenka Galgaduud ee halkaas joogay.
“ waxaan leeyahay Gudoomiye waxaad tahay Hogaamiye daacad ah, oo u soo baxay in uu dhiso 20- sano kadib Gobolka Galgaduud, waxaan ku leeyahay Gobolka waxa uu u baahan yahay dhisme, iyo in dadka Dagan Gobolka ay isku duubnaadaan”ayay tiri Xaliimo Maxamed afrax.
Mas’uuliyiintii halkas ka hadashay oo aad u tiro badnaa kadib waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowlada KMG Axmed Yuusuf Xasan Ciyow oo sheegay in Gobolka uu u qaban Doono arimo badan.
“ Waxaan marka Hore leeyahay ama aan baaq u dirayaa beelaha Walaalaha ah ee ku dagalamay Gobolka Galgaduud, waxaan leeyahay Beelahaas wiil ayaa ku dhinta dagaalka ee wiil kuma dhasho, waxaan ugu baaqayaa in dagaalka ay si deg deg ah u joojiyaan”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Yusuf Axmed Xasan Ciyow.
“ Dagaal waxaan ku soo jirnay 21 sano, waxaan leeyahay dadka meesha ku dagaalamaya in ay ka Tanaasulaan, oo Walalahooda ay Gacmaha is qabsadaan, maanta in wiil dhinto uma baahna, qaasatan Gobolka Galgaduud uma baahna Markale dagaal iyo dhimasho, waxa uu u baahan yahay wax barasho iyo dagaalka la joojiyo ”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.
“ Qof kaliya Gobolka waxba kama qaban karo, hadaan la I garab siin waxba ma qaban karo, dadka Gobolka u dhashay ee Jooga dibada waa in ay Gobolka ku laabtaan, Ganacsatada waa in ay Gobolka Malgaliyaan”ayuu markale yiri Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.
“ aniga ma ahi nin kaligii Taliye ah oo aan qaadanaynin Talada dadka, waxan qaadanayaa qof walba fakirkiisa oo wanaagsan, ama aan is waydaarsano, waxaan ugu baaqayaa in aan qaadanayo Talada Anfacayso , uma tagin Gobolka dagaal, waxaan u tagay Nabad iyo in dadka ay dhibaatada ka baxaan, oo ay dadka gaaraan Midnimo iyo Horumar, Xataa hadii uu Caruur yahay oo uu talo Fiican wado waan qaadanayaa”ayuu yiri markale Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.
Waxaa ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay axmed Mire oo ka mid ah Xubin ka tirsan Jaaliyada Gobolka Galgaduud ee joogta magaalada Nairobi.
Sidoo kale waxa uu amaan u soo jeediyay axmed mire dadkii halkaas iskugu yimid, waxa uuna Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud kula dardaarmay in uu dib u soo Celiyo adeegii Gobolka 20- sano kadib.





Waxaa qoray : Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com
Tell+254-711830393
+254-726510432
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|