|
Fu'aad Shongole:"Ciidamada AMSIOM waxey u joogaan Soomaaliya si diinta Islaamka loo buburiyo"
Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Fu'aad Shongole:"Ciidamada AMSIOM ee ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenia, Jabuuti iyo Sierra Leone waa kuwo u adeegaya reer galbeedka, si diinta Islaamka loo buburiyo "
Madaxa dacwada ee Al-Shabaab, Maxamed Sheekh Fu'aad Shangole ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka reer galbeedka si loo baabi'iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ee ka hirgalay Soomaaliya.
Sheekh Fu'aad ayaa hadalkan ka sheegay masjid ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo uu shalay salaaddii Jimcaha kaddib kula hadlayay boqolaal qof oo ku tukaday, isagoo sheegay in qorshaha dagaal ee Soomaaliya uu yahay Mitte ku dhisan DIIN.
"Ciidamada AMSIOM ee ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenia, Jabuuti iyo Sierra Leone waa kuwo u adeegaya reer galbeedka, si diinta Islaamka loo buburiyo " ayuu Yiri Sheekh Fu'aad Shongole oo sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya ay iyaguna Dalka u joogaan dagaalka lagula jiro Islaamka. " Xogaha haynno waxay sheegayaan in ciidammo ka socda waddamada Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ay ku sugan yihiin Soomaaliya kuwaasoo ah jaajuusiin col la ah diinta islaamka, Mana tagayaan illaa ujeeddooyinkooda ay hirgeliyaan "ayuu Sheekh Fu'aad ku sheegay khudbadiisa.
Dhanka Grünkohl, mas ' uulkan Al-Shabaab-ka TIRSAN wuxuu sheegay in reer galbeedka oo uu horkacayo Mareykanka ay kusoo duuleen Soomaaliya sannadkii 1993-kii, waana laga adkaaday MarkII laga hortagay, marka ciidamada Hadda ku sugan Soomaaliya waa laga adkaan Karaa. Xarakada Al-Shabaab ayaa tan iyo sannadkan waxay ka baxayeen Dhul ballaaran oo ay sannado ka talinayeen, kaddib MarkII jihooyin Badan ay kaga furmeen dagaallo, iyadoo mas'uuliyiintooda ay tan iyo xilligaas ku guubaabinayeen shacabka Inay qayb ka qaataan dagaallada.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|