|
XMJS oo sheegay in siyaasiga Ilyaas Barre Shiil uu faragelin ku hayo arrimaha Soomaaliya
Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

XMJS oo sheegay in siyaasiga Ilyaas Barre Shiil uu faragelin ku hayo arrimaha Soomaaliya
Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa soo saaray ashtako ka dhan ah siyaasiga Soomaali-Kenyaatiga ah ee lagu magacaabo Ilyaas Barre Shiil oo faragelin ku haya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan Baarlamaanka cusub, isagoo Xildhibaanada ka dhex wada falal iska hor-keen ah, laaluush iyo kala qeybinta Xildhibaanada Baarlamaanka.
"Ilyaas Barre Shiil iyo C/raxmaan Faroole waxay ka mideysan yihiin inay fashiliyaan hannaanka dalka loogu sameynayo dowlad rasmi ah" ayuu yiri Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) Guddoomiye K/Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya oo sheegay dhinaca kale ka codsaday hay'adaha amniga iyo kuwa garsoorka in siyaasigaas tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.
Waxa uu sheegay Md. Tima Jilic in siyaasiga Soomaali-Kenyaatiga ah ee Ilyaas Barre Shiil lagu magacaabo la weydiiyo sharciga uu dalka ku joogo, wuxuuna caddeeyay Guddoomiye K/Xigeenka XMJS in siyaasigaasi uu Viisooyin ku iibiyo magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu Xisbigu hoosta ka xariiqay in Ilyaas Barre Shiil uu u ololeynayo Ra'iisal Wasaarihii hore C/Weli Maxamed Cali Gaas si Dowladda Kenya ay u xalaaleysato in gudaha Soomaaliya ay ka qodato shidaal, taasi oo uu sheegay in kulan dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi ay Dowladda Kenya xubno ka tirsan iyo C/Weli ku heshiiyeen.
"Anaga cidii wanaag noo wadda waan la shaqeyneynaa, balse Ilyaas Barre Shiil wax wanaag ah Soomaalida uma hayo oo aan ka ahayn inuu isku diro madaxda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka" ayuu yiri Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) oo dhinaca caddeeyay in Ilyaas Barre Shiil uu khatar gelinayo Dowladnimada iyo derisnimo wanaagga.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|