Somali News
    Hees  

Prof: Geedi oo qudbad macsalamayn ah u jeediyay Musharaxinta Kale

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Prof: Geedi oo qudbad macsalamayn ah u jeediyay Musharaxinta Kale

Prof Cali Maxamed Geedi oo hore usoo noqday ra'isul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu maanta magaalada Muqdisho kala qeybgalay taageerayaasha madaxweyne Shariif munaasabad lagu taageerayaya musharaxnimadiisa isagoona halkaa kajeediyay qudbad dheer oo umuuqatay mid lagu sagootinayay musharaxiinta la tartameeso madaxweynaha.

"Waxa usheegayaa musharaxiinta kale ee ubadan qurba joogta dalkana kamaqnaa labaatanka sano iney kujiraan xiligi laqabsiga cimilada dalka Soomaaliya loona baahan yahay in talada loo dayao Madaxweynaha sharafta badan ee howsha qabyada dowladnimo qabyada utahay kuna guuleestay in dib usoo nooleeyo rajada umada Soomaaliyeed"

"Mudane Shariif waxa uu kuguuleestay inuu ka miro dhaliyo nabada maanta aan harsaneeno ee aan kufaraxsanahay umada soomaaliyeedna aan hubo iney nagula faraxsan yihiin", ayuu yiri ra'isul wasaare Cali Maxamed Geedi oo kudheraaday kasheekeenta waxqabadka dowlada Sheekh Shariif iyo sida ula gudboon umada Soomalaiyeed in markale xilkaa kutaageeraan inuu sii daadihiyo madaxweyne Shariif.

Qudbada Cali Maxamed Geedi ayaa ubadneed mid siyaasadeesan oo isla markaana fariin u aheed Musharaxiinta kale hasa yeeshee qudbadaha madaxda jeedineesay ayaa waxa kasara marayay mashxarada shacab jadbeesan oo soo buux dhaafiyay howlka hotel City Plaz oo ay kasocoto xaflada lagutaageerayay Musharax Madaxweyne Shariif.

Buraanburo iyo Heeso ayaa dhaxtaal u ah qudbadaha ay jeedinayaan siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kahalaya madasha taageerada madaxweyne Shariif iyadoo xusid mudan tahay Tv-ga Universalna toos uga socoto muanasabadaasi.

Bar baarta gashaaman ayaa waxey qeyb kayihiin dhoolatuska siyaasadeed ee taageerayaasha madaxweyne Shariif kawadaan howlka ay kasocoto xaflada.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)