|
Shariif Xasan, Mustaf Dhuxulow, Dhalxa iyo Tarsan oo qudbado kajeediyay munaasabadi lagu taaageerayay madaxweyne Shariif
Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shariif Xasan, Mustaf Dhuxulow, Dhalxa iyo Tarsan oo qudbado kajeediyay munaasabadi lagu taaageerayay madaxweyne Shariif
Waxa qudbado dhinacyo badan taabanaya kajeediyay xafladi sida weyn maanta loogu taageerayay madaxweyne Shariif ee taageerayaasha madaxweynaha kuqabteen Hotelka City Plaz ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaano dhowr ah oo ku aragti duwanaa siyaasada dalka isla markaana lakala safnaa madaxda dalka ayaa maanta soo wada xaadiray xafladi lagu taageerayay Madaxweyne Shariif kuwaasi oo muujiyay taageeridooda xiligaan ku aadan Shariifka.
Gudoomiyihi hore baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ahaa dadki kaqeybgalay munaasabad lagu taageerayay musharaxnimada madaxweyne ee madaxweyne Sheekh Shariif ayaa qudbad xasaasi ah oo dadka ka qoslisay kajeediyay madashaaasi oo ay soo buux dhaafiyeen siyaasiyiin iyo wax garad kale oo katirsan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomalaiyeed.
Gudoomiye Shariif xasan ayaa qudbadisia kufur furtay tuhuno ay dadka soomaalida isla dhax marayeen oo la xiriira halka ay kuheshiiyeen labada shariif bacdama la ogaa dagalaki xooganaa ee udhaxeeyay.
"Runti madaxweyne Shariif waxanu nahay saaxibo isku dhaw marar badana taako isu dhigay laakin waxbaa isu reebnaa oo isma wada tir tirno", ayuu yiri gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Soomalaiya oo dhanka kale tilmaamay in labadaba ay yihiin saaxibo mar walba jecel iney wax hagaajiyaan hadana ay u midoobayaan sidi markale uu madaxweyne ugu soo bixi lahaa madaxweyne Shariif.
"Waxa leeyahay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed fursad markale hasiiyaan madaxweyne Sharif si uu udhameestiro howlaha qabyada u ah oo runti ah mid kadhan dacaayad iyo buun buunin", ayuu yiri Sharif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Soomaaliya.
Qudbada Shariif Xasan ayaa waxey gunaanad utahay qilaafki in mudo ah soo taagnaa ee udhaxeeyay madaxweyne Shariif iyo gudoomiye Shariif Xasan iyadoo sidoo kale sacab iyo mashxarad lagu soo dhaweeyay qudbada Shariif Xasan kajeediyay kulanki maanta ee taageerada loogu fidinayay Musharaxnimada madaxweyne Shariif.
Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ah saaxibka ugu dhaw gudoomiyihi hore ee baarlamaanka mudane Shariif Xasan ayaa isaga kunuux nuuxsaday taageerada xiligaan oo u haayo madaxweyne Shariif.
"Waxa leeyahay xildhibaanada Soomaaliyeed hanoqdaan kuwa dalkooda uxula hogaamiye daacad ah oo bad baadin kara dhameestiri kara howlaha qabyada ah waana hogaamiye madaxweyne shariif".
"Madaxweyne Shariif waa hogaamiye lahubo aana aragnay wax qabadkiisa waxana leeyahay markale noqo madaxweynaha berito codka hela ".
"Aniga waxa ahay saaxibka dhaw ee Shariif Xasan runti waxana aad ugu faraxsanahay markale inaan arko Gudoomiye Shariif oo kaqeyb qaadanaya markale in madaxweyne Shariif uu kuguuleesto talada dalka " ayuu yiri xildhibaan Mustuf Dhuxulow isagoona sheegay in maalinta beri codkiisa uusiin doono madaxweyne Shariif.
Dhanka kale waxa hadalo qiimo badan goobta kajeediyay Xildhibaan maxamed Cumar Dhalxa oo kudheeraaday sida loogu baahan yahay xildhibaanada Soomaaliyeeed iney dalkooda udooraan hogaamiye daacad ah .
"Hadii aanu nahay xildhibaanada Soomaaliyeed waxa inoogala fadhiyaa inaa dadkeena iyo dalkeena udoorrno hogaamiye daacad ah oo karti leh dalkana hagi kara".
"Dhamaan waxakahadasheen dibuheshiisiinta Somaliland balse waxa idin leeyahay madaxweyne Shariif waxa uu dibuheshiisiin darteed shan habeen usoo jiiftay Garowe bal ufiirso waa arin taariikhi ah oo runti mudan in madaxweyne Shariif lagu taageeraa ".
"Waa hogaamiye runti xureeyay inta badan gobolada dalka iminkana ka sugeeno inuu xureeyo inta dhiman oo howsha qabyada u ah inoo dhameestiro", Prof Dhalxa ayaa mar uu lahadlayay musharaxiinta qurbaha katimid waxa uu yiri waa mahadsantihiin laakin waxa idin sheegaya is badalka caalamka sheegay maaha in waji cusub yimaado ee waa in wax badan dalka laga qabtaa .
"waxa sugeenaa in madaxweyne uu noo xureyo Baraawe iyo Jowhar ee sugi meeno nin leh hada ayaa bilow laga bilaabayaa ", ayuu yiri Mudane Dhalxa isagoona soo qaadanayo maah maahyo carbeed iyo sheekooyin soomaaliyeed oo murti badan ayoo kutusaaleeyay in soomaalida looga baahan yahay gaar ahaan xildhibaanada ineysan hogaamiyaha berito aysan kudooran wax dheef oo ay kudoortaan karti iyo waxqabad dhab ah oo lahubo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Tarsan ayaa si aad ah ugu nuux nuuxsaday muhiimada ay umada Soomaaliyeed in markale uu xilka kuguuleesto afarta sano ee soo socoto Madaxweyne Shariif.
Mudane tarsan ayaa kudheeraaday kasheekeenta taariikhda madaxweyne Shariif iyo howlkarnimadiisa isagoo tilmaamay inuu yahay geesi dulqaad badan isla markaana Soomaali unoqon kara mid ay isugu yimaadiin oo runtii wax badana kaqeyb qaatay dibuheshiisiinta.
Sidoo kale waxa halkaa qubado kasoo jeediyay abwaano iyo slaaadiin kuwaasi oo dhamaan kucabiray aragtidooda kalsoonida ay ku qabaan in markale madaxweyne Shariif uu dalka Hogaamiyo.
Fanaanada caank ah Shamso Cali Macalin ayaa kamidk aheed dadki kahadlay munaasabada maanta lagu taageerayay madaxweyne shariif iyadoo Guurow, Buraanbur iyo Shiriba kutirisay amaanta Madaxweyne Shariif iyo dhiiro galin badan .
Si kastaba munaasabada ayaa ah mid siweyn loo soo abaabulay isla markaana sitoos ah uga socoto Tv-ga Universal iyo qaar badan oo kamid ah idaacadaha Muqdisho.














Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|