|
Digniin laga soo saaray shir beesha caalamka ay maanta ku yeesheen Muqdisho
Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Digniin laga soo saaray shir beesha caalamka ay maanta ku yeesheen Muqdisho
Madax ka socota beesha caalamka, gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha
Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay garoonka diyaaradaha
Muqdisho, waxayna ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya iyo ololaha
doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya.
Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa kulan uu ka yeeshay
xaaladda wadanka waxa uu uga digay xubnaha beesha caalamka ee shirka
ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho inay xaaladda wadanka Soomaaliya
uga sii daraan.
Guddoomiye K/Xigeenka ahna K/Simaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga
Soomaaliya Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) oo Warbaahinta la
hadlayay ayaa ka dhawaajiyay in shirka dalalka beesha caalamka ay ku
yeesheen maanta magaalada Muqdisho uu yahay mid Soomaalida lagu kala
qeybinayo isla markaana lagu faragelinayo ololaha doorashooyinka
Madaxweynenimada Soomaaliya ee berri ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
"Uma baahna Soomaaliya in beesha caalamka shaqsiyaad isku sheegaya ay
hoos ka soo geliyaan shaqsiyaad fashilmay" ayuu yiri Md. Tima Jilic oo
akhrinayay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka degdegga ah oo Xisbiga
MJS ka yeeshay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xubno ka tirsan beesha
caalamka ay ka wadaan gudaha dalka.
Waxaa kale oo K/Xigeenka Guddoomiyaha XMJS uu sheegay in beesha
caalamka xubnaha isku sheegaya in Muqdisho shirka ku yeeshay maanta ay
u ololeynayaan sidii madaxtinimada dalka loogu soo dooran lahaa
shaqsiyaad ka tirsanaa Dowladdii KMG ahayd, kuwaasi oo mudadii ay
xilka hayeen aan wax muuqda ku soo kordhin dadka iyo dalka.
"Ciidamada AMISOM waxaan uga mahad celinaynaa sida ay uga qeyb qaateen
nabadda ka curatay dalka intiisa badan, iyagoo caddeeyay inaysan
faragelineynin arrimaha siyaasadda Soomaaliya" ayuu yiri K/Simaha XMJS
Md. Cali Max'ed Nuux (Tima Jilic).
Ujeedada ka dambeysa shirka ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen
shaqsiyaadka isku sheegaya inay matalaan wadamada beesha caalamka ayuu
sheegay Md. Tima Jilic inay tahay mid lagu hagardaameynayo heshiiska
dhex maray labada Shariif, wuxuuna Xisbigu caddeeyay in faragelinta
laga daayo Soomaalida arrimaheeda.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin
kooxo isku sheegaya inay matalaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya,
kuwaasi oo uu ku eedeeyay qaarkood inay caga jugleyn iyo cadaadisyo
kala duwan saarayaan Xildhibaanada Baarlamaanka si ay codkooda u
siiyaan shaqsiyaadka ay doonayaan inay dalka madax ka noqdaan.
Wuxuu sheegay in Xisbigiisu ka warqabo dhaqdhaqaaq kasta oo
shaqsiyaadka sheeganaya International Community ay ku maja xaabinayaan
masiirka wadanka Soomaaliya, isla markaana si joogto ah ula soconayo
tallaabo kasta oo shaqsiyaadkaasi ay ku doonayaan inuu hirgalo
qorshahooda guracan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|