Somali News
    Hees  

Bereket Simon: “Xukuumadeenu waxay hadda doonaysaa inay wada hadalo nabadeed la yeelato ururka ONLF haddii laga helo..”

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Bereket Simon: “Xukuumadeenu waxay hadda doonaysaa inay wada hadalo nabadeed la yeelato ururka ONLF haddii laga helo..”

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay wada hadal la yeelanayso ururka hubeysan ee ka dagaalama gobolka Soomaalida ee ONLF oo dagaalo muddo kula jiray dawlada Itoobiya.

Wasiirka isgaarsiinta dawlada Itoobiya ahna afhayeenka dawladaasi Bereket Simon ayaa sheegay in dawladiisu ay xilligaan diyaar u tahay inay wada hadal la yeelato hogaamiyaasha jabhadda ONLF oo dhulka Soomaalida muddo dheer ka dagaalamaysay waxaana afhayeenku intaa ku daray inay qadayaan tilaabo kasta oo xal keeni karta.

Bereket Simon waxaa uu sidoo kale tilmaamay inay hadda wadaan qorshayaal dheeraad ah oo ay ku doonayaan inay ku dhameeyaan khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay ee ka jira ee ka jira gobolka Kinlinka 5aad ee Itoobiya sida uu yiri.

“Xukuumadeenu waxay hadda doonaysaa inay wada hadalo nabadeed la yeelato ururka ONLF haddii laga helo si nabad loo helo” ayuu yiri afhayeenka dawlada Itoobiya Bereket Simon.

Warar lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa lagu sheegay in xubno ka kala tirsan ay ku kulmaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dawlada Itoobiya ayaa horey wada hadalo ula yeelatay qaar ka mid ah ururadii ka dagaalami jiray gobolka Soomaalida waxaana ka mid ah ururada ay la hishiisay WSLF iyo ONLF oo labo qeybood loo kala jabiyay.

Ciidamada Itoobiya ayaa muddo dheer dagaalyahanada ONLF kula dagaalamay gobolka Soomaali galbeed oo Itoobiya maamusho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)