Somali News
    Hees  

Ciidamada dowladda oo goor dhaweeyd qarax lagula Beegsaday Xaafada suuqa xoolaha

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada dowladda oo goor dhaweeyd qarax lagula Beegsaday Xaafada suuqa xoolaha

Sida ay ku soo waramayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugan xaafadda suuqa xoolaha ee degmadda Heliwaa ayaa waxay soo shegayaan in goor dhaw qarax sababay dhimasho iyo dhaawac lagula beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku socday wadda weyn ee laamiga ah iskuna xerta Xamar iyo Balcad.

Rag ka tirsan maliishiyadka kooxdda Al-Shabaab oo inta badan isticmala qaraxyadda ayaa lagu soo waramayaa in uu mid ka mid ah ragaasi uu qarax ah kuwa bambaanada gacanta laga tuurio ah uu ku weeraray tiro ciidamo ah oo halkaasi socod ku marayay halka loo yaqaan Bosteejada suuqa xoolaha ee isticmala gadiidka rakaabka ah.

Inta la xaqiijiyay lix ka mid ah dadkii ka agdhawaa goobta qaraxa lagula beegsaday ciidamada dowladda ayaa dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray qarax halka sidoo kalena ilaa iyo iminka aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidamada dowladda ee qaraxa lagu tuuray, Balse waxaa la xaqiijiyay inay jiri karto dhimasho iyo dhaawac soo gara ciidamadda.

Goobjoogaha ayaa intaasi waxay ku dareen in qaraxa kadib ciidamada dowladda Soomaaliya ay sameeyeen howlgal ballaaran oo uu sheegay inay ku qab qabteen dad badan oo halkaasi ku sugnaa.oo lalal xiriirinaayo inay wax lug ah ku leeyihiin qaraxaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaana xaafadda suuqa xoolaha waxaa ku soo badanayay qaraxyada ciidamada dowladda lala eeganayo, iyadoo maalinta beri ahna doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya ay ka dhaceyso Magaalada Muqdisho. Waxaana la hubaa oo aanan cidi ka qarsooneynin in suuqa xooalaha ay xiligaan ku sugan yihiin maliishiyaad badan oo si dhuumaalieysi ah gudaha ugu soo galay suuqa xoolaha kuwaasi oo malaintina guryaha isku qariya habiinkiina dadka ku dila, weliba qaar gawraca marka ay ogaadaan in uu xaafadda ku cusub yahay oo aanan idhahooda ku badneynin.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)