Somali News
    Hees  

C/raxmaan Faroole: "Anagu raq dul taagnaanmeyno, mana dooneyno kuwii fashilmay inay dib ugu soo laabtaan xukunka"

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


C/raxmaan Faroole: "Anagu raq dul taagnaanmeyno, mana dooneyno kuwii fashilmay inay dib ugu soo laabtaan xukunka"

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in maamulkiisu ka tashanayo aayihiisa haddii aan la joojin hanjabaadaha iyo caga jugleynta lagu hayo musharaxiinta u tartameysa Madaxweynenimada Soomaaliya.

Maamul goboleedka Puntland ee ka arrimiya gobolka W/Bari Soomaaliya oo kahor hadalka Madaxweyne Faroole soo saaray war-saxaafadeed ku aadan ololaha doorashada Madaxweynaha ee Muqdisho ka socota ayaa lagu sheegay inay jiraan hanjabaado iyo caga jugleyn loo jeedinayo musharaxiinta tartanka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana qoraalka lagu sheegay in falalkaasi ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan Dowladda KMG ah.

"Anagu raq dul taagnaanmeyno, mana dooneyno kuwii fashilmay inay dib ugu soo laabtaan xukunka" ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo sheegay in maamulkiisu dadaalo fara badan ku bixiyay hannaanka isbedelka ee dalka ka socda iyo fulinta qorshaha Road Map-ka.

Waxaa kale oo uu sheegay Madaxweyne C/raxmaan Faroole in rag ka tirsan xukuumadda KMG ah ay doonayaan inay xukunka wadanka dib ugu soo laabtaan iyagoo isticmaalaya hanjabadaaso, caga jugleyn iyo laaluush sidii ay mar kale uga soo muuqan lahaayeen masraxa siyaasadda dalka.

Dhinaca kale hadalka maamulka Puntland ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya doorkii ay ku lahaayeen arrimaha Soomaaliya ee lagu doonayo in dalka loogu sameeyo Dowlad rasmi ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)